Madaxweynaha dowlada Puntland Dr C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo safar ku jooga dalka Ingriiska ayaa ka hadlay soo galitaanka ciidamada dowlada Kenya qeybo ka mid ah gobolada Koonfureed ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in arintaasi uu u arko mid ay dowlada Kenya ku saxantahay islamarkaana uu taageersanyahay in ay gudaha dalka Soogalaan lana dagaalamayaan Xarakada Shabaab Almujaahidiin.

“Mar hadiiba iyaga gudahoodii loo galay oo lagu sameeyay rabsho dhaqaalahoodii iyo goobahoodii dalxiiska in ay iska dhiciyaan waa mid meesha ku jirta” ayaa hadaladiisii ka mid ahaa Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr Faroole.

Dhinaca kale waxa uu Madaxweynuhu sheegay in aanu wax cabsi ah ka qabin dowlada dalka Kenya oo qabsata dhulka Soomaaliya, ayna horay uga filaayeen in ciidamadoodu ay qaab caawin ah ku soo galaan gudaha dalka .

Sikastaba ha ahaatee Hadalka ka soo baxay Madaxweyne Faroole ayaa waxa uu  imanayaa xili ay ku sii siqayaan ciidamada dowlada Kenya qeybo ka mid ah gobolka Jubada hoose sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo halkaasi ku sugan oo la isku haleyn karo.

SBC International London.