Waftiga madaweynaha Dr. C/raxmaan Sheekh Maxamed iyo Raiisul wasaaraha Soomaaliya Dr. C/wali Maxamed Cali ayaa maanta kormeeray goobo Muhim ah oo ku yaala magaalada Boosaaso Gaar ahaan Dekada Boosaaso .Isbitalka weyn ee Boosaaso iyo suuqii Boosaaso ee dhawaan gubtay

Ugu horeyn waftigu waxa ay booqdeen Dekada Magaalada Boosaaso halkaasi oo ay oo ay warbixin kaga dhageyteen  Wasiirka dekadaha ee puntland  Siciid Maxamed Raage  kaasi oo ka warbixiyay  xaalada dekada sida oo kale waxa ay waftigu Booqdeen qaybaha kala duwan ee dekada Gaar ahaan xafiiska Wasaarada maaliyada Ee Boosaaso  Waxaana sida oo kale kormeereen shaqada Dekada sida ay usocoto

Madaxweyne Faroole oo socdaalka kormeerka ay ku weheliyeen Waftiga Raiisul wasaraha Soomaaliya Dr.C/wali Maxamed Cali ayaa waxa ay sidoo kale kormeereen Isbitaalka weyn Ee Boosaaso halkaasi oo ay warbixin kaga dhegaysteen Madaxa Isbitaalka intaasi kadib waxaa madaweyne Faroole oo goobta ka hadlay  uu ka dalbaday Madaxda DKMG inay qayb ka qaataan sidii loo qalabaynlahaa Isbitaalka isaga oo sheegay in deeqaha caafimaad ee ay hesho DKMG looga baahan yahay qaybtooda in laga siiyo waxaana Raiisul wasaare C/wali oo goobta jooogay uu sheegay in ay arintaas waxbadan ka qaban doonaan

Ugu dambayn waftiga madaxweynaha puntland Dr. C/raxmaan Faroole ayaa tagay suuqii dhawaan ku gubtay dabkii xooganaa ee ka kacay Boosaaso waxaana ay halkaasi kula dadka qaar oo xilligaas ku jiray Hawlmaalmeedkooda caadiga ah waxa uuna madaxweyne Faroole in ay caalamka ugudbiyeen sidii waxv loogu qaban lahaa dadka halkaasi hantidoodu ku basbeeshay isaga oo sidoo kalena sheegay in Dowlada ay sii wadi doonto sidii loohelilahaa hayado caawimaad usameeya Dadkaan

Booqashada Madaxweynaha iyo waftiga DKMG intii ay socotay ayaa waxaa gabi ahaanba laxiray qaar kamid ah wadooyinka ah ee Boosaaso iyadoo halkaasi marayeen madaxda Booqashada Samaynaysay

Waftiga uu horkacayay Madaweyne Faroole ayaa maalintii shalay ka soo kicitimay Magaalada Garoowe Ee Caasumada Dowlada puntland iyaga oo kormeero iyo Booqashooyin ku soo maray Magaalooyinka Qaar ee ku dhereran Wadada Laamiga Ee ka baxda Magaalada Ganacsiga puntland Ee Boosaaso .

Keyse C/rishiid Cusmaan
SBC International Boosaaso