Wareregtadan ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr C/raxmaan Faroole ayaa lambarkeedu aheyd 2 kuna taariikheysneyd 23.April,2012, waxayna ku saabsaneyd arimaha Waxbarada Puntland .

Madaxweynaha Puntland waxa uu sheegay in wasaarada waxbarashada dowlada Puntland ay ka masuul tahay arimaha siyaasada waxbarasho ee Puntland, Manaahijta, Imtaxaanaadka, shahaadooyinka, Qiimeyn iyo Kormeerba .

Arintan ayaa timid ka dib markii madaxweynaha Puntland uu arkay Dastuurka Puntland, Markuu arkay shirkii golaha xukumada ee 26da bisha April Markuu tixgeliyay tala soo jeedinta wasiirka waxbarashada Puntland, ugu dambeyntiina uu arkay qodobka 32aad ee Dastuurka dowlada Puntland oo ku saabsanaa siyaasada waxbarashada Puntland, ayaa waxaa la go’aamiyay in wasaarada waxbarashada ay hoos yimaadaan dhamaan Manaahijta, Imtaxaanaadka, shahaadooyinka, Qiimeyn iyo Kormeerba .

Sidoo kale wareegtadan ayaa waxa ay ka dambeysay ka dib markii urur ay ku mideysan yihin daladaha aan dowliga aheyn ee waxbarashada marka magacoona la soo gaabiyo loo yaqaan Peen ay sheegeen in ay kalsoonidii dhanka shahaadooyinka kala noqdeen Wasaarada waxbarashada Puntland.

C/naasir Yaasiin salaad
SBC International Garoowe