Madaxwaynaha Puntland Dr C\rixmaan Sheikh Maxmed Maxamuud Faroole iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta ka duulay garoonka diyaaraha ee magaaalda Garawe iyagoo oo ku sii jeeda magaalada London ee Caasimada Dalka Ingriiska Halkaas oo uu ka dhacayo kulan looga hadlayo arimaha Burcad badeeda iyo arimo kale.

Madaxweynaha ayaa sii maraya magaalada Nairobi ee dalka kenya oo ay isaga iyo wafdigiisuba kulan kulayeelan doonaan dowladaha daneeya arimaha Soomaliya kadibna usii gudbidoonaan  magaalda London ee dalka ingiriiska.

Madaxwayanaha oo inta uusan ka duulin garoonka diyaaraha war fidiyeenka hadal kooban siiyey ayaa waxaa uu faahfaahin ka bixiyey socdaalkoda iyo cida ay la kulimi doonaan waxaana uu sheegay in ay ku horayndoonana magaalada Nairbobi oo ay kula kulmayaan dalalka daneeya arimaha Soomaliya wakiilada ujooga dalka Kenya iygoona uga sii gudbidoona dalka England oo ay kaga qayb galayaan shir caalami ah uu sheegay madaxwaynu in uu ka jeedin doono khudbad ku saabsan dhibaatooyinka burcad badeedu ku hayso soomaliya gaar ahaan Puntland oo kamid ah meelaha ay burcad badeedu sida wayn u saamaysay

Madaxwaynaha waxaa ku waheliyey safarkiisa xubo ka mid ah golaha xukuumada iyo gudiga doorashooyinka

Dhankale waxaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garawe madaxwayne ku xigeeen Puntland Gen C/samad Cali Shire oo baryahan dalka dibadiisa ku maqanaa.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa waxaa uu safarkiisan uu ugu soo laabtay magalada Garoowe xarunta Puntland uu kaga yimid wadamo dhoowr ah oo ka mid ah wadamada Deriska sida Wadamada Ethoipia iyo Kenya.

DAAWO SAWIRADA IMAANSHADA MADAXWEYNE KU XIGEENKA IYO SAFARKII MADAXMYNAHA.


Sawirada MAdaxweynaha Safarkiisii

Maxamed Siciid Maxamed
SBC International Garoowe.