Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr C/raxmaan Faroole ayaa soo gaarsiiyay SBC Tacsi uu u dirayo Alaha u naxariistee Eheladii iyo Qaraabadii uu ka geeriyooday Suldaan Muuse Faarax Muuse Onkod oo Maanta barqadii lagu dilay gudaha Magaalada Boosaso.

Waxa uu Madaxweynuhu sheegay in ka maamul ahaan ay ku daba jiraan cida geysatay Falka Dilka ah ayna saacada soo socdana ay jawaab  kabixin doonaan.

Waxa uu ugu baaqay ehelada iyo beesha uu ka dhacay Suldaanku in ay muujiyaan samir iyo dulqaad ayna baaritaan ku hayaan dadkii ka dambeeyay falka dilka ah ee loo geystay Suldaanka isagoo intaasi raaciyay in ay dadkaasi yihin kuwo damac kale leh.

Dhageyso Codka MAdaxweynaha
DHAGEYSO