Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa kulan saxaafadeed uu ku qabtay xarunta Puntland ee Garoowe ayaa soo dhaweeyay Ansixinta Dastuurka umada Soomaaliyeed oo maanta lagu ansixiyay gudaha Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Dastuurka la ansixiyay ay ka soo shaqeynayeen mudo islamarkaana uu mahad balaaran u celinayo u codeeya yaashii ergada ahaa ee Ansixiyay Dastuurka.

Waxa uu taabtay Madaxweynaha in Ansixinta Dastuurka iyo sanadguurada 14naad ee Puntland ay isku soo beegmeyn ayna tahay mid farxad leh islamarkaana uu ilaahey ku soo beegay .

Waxa uu rajo fiican ka muujiyay madaxweynuhu sidoo kale in Howsha halkaas laga amba qaado sida uu heshiisku ahaaba la soo magacaabo baarlamankii Cusbaa iyo heshiisyadii kaleba, isagoona ka digay Shaqsiyaadka la soo xulayo ay noqon kuwo aan sharci aheyn ee la soo xulo kuwo sharci ah oo ah waxii laga heshiiyay.

Ugu dambeyntii madaxweynaha ayaa ku tilmaamay Dastuurkan mid wax ka bedeli doona xaalada dalka uguna duceeyay shacabka Soomaaliyeed in dastuurkani uu noqdo mid wax ka bedela nabadgeliyo iyo horumarna u horseeda.

Maxamed Siciid
SBC International Garoowe