Waxaa manta madaxwaynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole saxiixay xeerka ururada siyaasada Puntland kaasi oo mudo badan ay sugayeen shacabka Puntland iyo siyaasiyiin u hanqal taagayey in ay mar uun furtaan ururo siyaasadeed madaama Puntland horay u shaacisay in ay u guurtay nidaamka dib muqraadiyada .
Kulan ka dhacay xarunta madaxtooyada Puntland ee magaalada Garoowe ayaa waxaa ka ka qayb galay golaha wasiirada iyo gudiga doorashooyinka Puntland Waxaana shir gudoominayey madaxwayanha Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, isagoona halkaasi ku saxiixay xeerka ogolaanshaha ururada siyaasada Puntland

Gudoomiyaha gudiga doorashooyinka Puntland Maxamed Xasan Barre oo hadal kooban halkaasi ka jeediyey ayaa sheegay in ay guul tahay in madaxwaynuhu saxiixo xeerka ogolaanaaya ururada siyaasada oo uu soo diyaariyey gudiga doorashooyinka Puntland

Madaxwyanaha Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo saxiixa ka dib warfidyeenka la hadlayey ayaa sheegay in Puntland ku fanaani karto dastuurka ay yeelatay iyo wadada dibmuqraadiyada ee ay u jihaysatay, isagoona wax lagu farxo ku tilmaamay in Puntland doorashada soo socota ay ku gasho nidaamka asxaabta oo uu uga mahadceliyey gudiga doorashooyinka Puntland .

Ogalaanshaha xeerka furashada ururada waxaa uu horseed ka noqon doonaa in Puntland laga hirgaliyo ururo farabadan oo u tartami doona doorashooyinka soo socda hadii lagu guulaysto in doorashooyinka soo socda lagu galo nidaamka xisbiyada oo noqon doonta taariikh cusub oo Puntland ka hirgali doonta

 Maxamed Siciid Yuusuf
SBC International Garoowe