Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa waxaa uu Tacsi tiiraanyo leh u diray Dhamaan Shacabka Soomaaliyeed iyo Kuwa Puntland isaga oo uga tacsiyeey Geerida ku timid Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed.

DHAGEYSO MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO TACSI DIRAYA

TAARIIKH-DA AHN C/LAAHI YUUSUF OO UU AKHRINAYO SICIID DHEERE

Kulanka ay Madaxda Dowlada Puntland tacsida ku Direen waxaa joogay Saraakiil sare oo ka tirsan Dowlada waxaana halkaas lagu soo qaaday taariikhdii uu C/laahi Yuusuf Ku lahaa Deegaanadan iyo aasaaskii Puntland

Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in uu ku xusuusto C/laahi Yuusuf inuu ahaa nin waxtar weyn lahaa gaar ahaana Aasaaskii Puntland iyo inuu ahaa nin wax badan ka taray Arimaha Amaanka iyo dhismaha maamulka Puntland

Dr.C/raxmaan Sheekh Maxamed waxaa uu shaaciyay in Deegaanada Puntland ay Muddo 3 cisho ah u ahaaneyso tacsida AHN C/Laahi Yuusuf Axmed.

SBC International Monitoring