Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta salaada Jicmaha boqolaal dadweyne ah kula tukaday Masaajidka Ubuu-hurayra ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.

Masaajidkaan ayaa kamid ah masaajidada waaweyn ee ku yaala magaalada Gaalkacyo, waxaana ku tukada boqolaal dadweyne ah , madaxweynuhuna si kalsooni buuxda ay kujrto ayuu shacabkiisa maanta salaada jimcha ula tukaday.

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug , waxay kamid tahay magaalooyinka waaweyn ee laf dhabarka u ah Puntland, waxaana kajira xasilooni Nabadeed oo baahsan .

Shacabku waa kuwo had iyo jeer ka shaqeynaya sugida amniga ayna ka go’antahay inay laba jibaaraan horumarka baaxada leh ee ka soconaya Gobalka Mudug.

Daawo sawirada:

IMG_8578 IMG_8581 IMG_8584 IMG_8589 IMG_8595 IMG_8597 IMG_8598 IMG_8599 IMG_8603 IMG_8606 IMG_8615 IMG_8623 IMG_8629 IMG_8630 IMG_8638 IMG_8642 IMG_8645 IMG_8650 IMG_8655 IMG_8657 IMG_8659