Boosaaso-Wefdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole ayaa goor dhoweyd soogaaray magaalada Boosaaso Xarunta ganacsiga dowlada Puntland .

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa si heersare ah loogu soo dhaweeyay afaafka hore ee magaalada, waxaana soo dhaweyntiisa ka qeyb galay maamulka gobolka kan degmada iyo weliba shacabweynaha Boosaaso.

ka dib Soo dhweyn madaxweynaha  iyo wafdigiisa ayaa waxaa loo gelbiyay dhanka iyo madaxtooyada Boosaaso halkaas oo lagu wado in uu saacadaha soosocda saxaafada uu kula hadli doono.   

Saraakiil ka tirsan Maamulka ayaa Warbaahinta SBC u sheegay in Imaatinka Wefidga Madaxweynaha ay qeyb ka tahay Kormeero uu ku sameynayo Magaalooyinka Puntland isaga oo Maalintii Shalay Kulamo Amniga ku saabsan Magaalada Qardho kula qaatay MAsuuliyiinta & Waxgaradka Gobolka karkaar. 

Wixii ku soo kordha kala soco SBC International