Madaxweynaha Puntland Dr C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa kulamo kula qaatay hoyga uu ka degenyahay Magaalada Qardho xarunta gobolka Karkaar Oadayaasha Dhaqanka deegaanka .

Ka dib kulan qaatay saacado oo ay odayaashu la qaateen madaxweynaha waxaa saxaafada la hadlay Islaan Mahad Maxamuud Islaan Cilmi oo ka mid ah isimada Puntland waxuuna u sheegay saxaafada kulankaasi,

Waxa uu Islaanku sheegay in kulamadaasi la isugu soo qaaday xaaladaha Puntland iyo booqashada madaxweynaha uu ku yimid magaalada Qardho, waxaana uu ku tilmaamay islaanku   dhacdooyinkii banaanbaxa ahaa ee shalay dhaliyay khasaaraha dhaawac ee ka dhacay magaalada Qardho kuwo laga xumaado islamarkaana ahaa mid la abaabulay.

Waxa uu intaasi ku daray in banaan baxyadaasi noqdeen kuwo la buun buuniyay islamarkaana aanay aheyn kuwo sidaasi u buuran, Madaxweynuhuse yimid magaaladiisii si diirana loogu soo dhaweeyay.

Sikastaba  ha ahaatee Madaxweyne Faroole iyo Wafdigiisa oo Maalin nimadii shalay soo gaaray gudaha Magaalada Qardho waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda uu ku sii sugnaado gudaha Magaaladaas .

Maxamed Siciid Yuusuf
SBC International Qardho