Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa maanta xafiiskiisa ka soo saaray wareegto uu ku magacaabayo gudiga doorashada Puntland oo dhowaalahanba laga sugayay in uu ku dhawaaqo .

Wareegtada madaxweynaha ayaa waxaa lagu magacaabay Xubnaha gudiga ku jira oo ka kooban 5 xubnood, waxaana ay kala yihiin.

Dr Maxamed Xasan Barre
Barkhad Cali Saalax
Cusmaan Maxamed Xaaji Xasan,
Axmed Maxamed Axmed iyo
Muxubo Muuse Ciise.

Wareegtadan oo lambarkeedu aheyd 59 kuna taariikheysneyd maanta oo ay taariikhdu tahay 27.June.2011 ayaa waxaa ku saxiixnaa madaxweynaha dowlada Puntland Dr Faroole

Madaxweynaha ayaa u diigsaday soomagacaabida Gudigan ka gadaal markii uu arkay baahida loo qabo Axsaab iyo soo magacaabida gudiyo doorasho si loo hirgeliyo Puntland oo idil.

Waa Markii ugu horeysay oo gudiyo noocan oo kale ah loogaga dhawaaqo Maamulka Puntland tan iyo intii uu xilka qabtey madaxweyne Faroole, waxaana gudigan la magacaabay sugaya in la horkeeyo Baarlamanka si loo Ansixiyo.

C/naasir Yaasiin Salaad
SBC International Garoowe.