Madaxweynaha Dowlada Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa wareegto ka soo baxday Xafiiskiisa waxa uu maanta ku magacaabay Gudoomiyaha Gobolka iyo Duqa degmada Magaalada Buuhoodle iyo gobolka Ceyn.

Madaxweynaha ayaa u magacaabay xilka Gudoomiyaha gobolkaasi Ceyn Maxamuud Axmed Carab halka duqa degmadana uu u magacaabay Cumar Xaashi Cabdi, ka dib markii uu madaxweynaha ee gay dhinacyo badan Dastuurka Dowlada Puntland iyo weliba talo soo jeedinta wasiirka wasaaraha Arimaha gudaha iyo Dooladaha hoose, iyo baahida loo qabo Toosinta iyo Turxaan bixinta Maamulka gobolka Ceyn sida ku cad Wareegtada madaxweynaha .

Gudoomiyaha cusub ee gobolkaasi Ceyn Axmed Aadan Carab oo horay u soo ahaa wasiir ku xigenka wasaarada Arimaha gudaha iyo Dowladaha hoose dowladii Gen Cade Muuse, ayaa mar uu u waramayay SBC International waxa uu sheegay in uu ku faraxsanyahay xilka loo magacaabay islamarkaana ay u taago howlbadan uuna ka soo dhalaali doono, haba ugu horeysee Dhinacyada horumarinta iyo Amaanka.

Wareegtadan lagu magcaabay labadan Masuul ku saxiixnaa madaxweynaha Dowlada Puntland Dr C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole.

C/naasir Yaasiin Salaad
SBC International Garoowe