Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr C/raxmaan Faroole Ayaa Maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha Dharoor isagoo u kici timay dhanka magaalada Jabuuti xarunta dalka jabuuti.

Madaxweynaha ayaa halkaasi safar ku maraya isagoo kaga sii tagi doona Wadamada Imaaraadka iyo ingiriiska sida aan wararku ku heleyno.

Sikastaba ha ahaatee Madaxweynaha ayaa ka dhoofay Degmada dharoor ka dib markii uu maanta xariga ka jaray goobta laga baarayo shidaalka ee Dharoor.