Madaxweynaha MaamulkaPuntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa maanta Xariga Si rasmi ah uga Jaray Dhisme Cusub oo lagu kordhiyay Xabsiga Dhexe ee Magaalada Boosaaso, Xabsiga kaasoo noqonaya mid lagu Xiro Dadka Burcadbadeeda ah ee Dib looga soo Celiyo Dalalka caalamka.

Mr Faroole ayaa Markii Uu xariga kajaray Dhismaha Cusub ee Xabsiga Boosaaso wuxuu la hadlay Wariyaasha isaga oo kawarbixiyay Dhismaha Xabsigan Cusub.

“waxaan manta xariga kajarnay xabsiga weyn ee Boosaaso Gobolka qeybihii dhawaan lagu kordhiyay tii ugu horeysay oo manta la furay, wuxuu noqonayaa xabsi ay kunafisaan dadka meesha kuxiran, dhinaca kalena ee qabyada ahna dhawaan buu dhamaanayaa, bacdamaa aan beeshacaalamka ka balanqaad nay in maxaabiista wadamada shisheeye oo aan xaaladooda cidi ogeyn oo burcadbadeeda loo haysto oo aan eheladooda ogeyn waxa xabsiweyn loo gadhisay aa Magaalada Garowe si eheladooda uga warhelaan”

Madaxweyne Faroole ayaa Markii Kahadlay Furitaanka Xabsiga Waxaa uu kormeer ku dhexmaray Qeybaha uu ka kooban yahayXabsigan oo ah mid Balaaran unadhisan Hab Casri ah waxaanu unoqonaya Xabsigii ugu horeeyey ee Noociisa ah o laga Dhiso Deegaanada Puntland

Masuuliyiinta Maamulka ee Xabsiga Dhexe oo goobjoogka ahaa Furitaanka uu Madaxweynaha Furay Xabsigan ayaa waxaa ay sheegeen in uu xabsigan wax weyn katari Doono Ciriir Maxaabiista Burcadbadeeda iyo Kuwa falalka kale loo haysto Ku haystay Gudaha Xabsiga weyn ee Boosaaso.

Sawiro







SBC International Boosaaso