Wafdigaa uu hogaaminayey Madaxwaynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamud Faroole ayaa garoonka diyaradaha ku sii sagootiyay maanta Madaxwayne ku ixgeenkiisa C/samad Ali shire iyo Xubno ka mida golaha wasirada Puntland.

Inta uu ka amba bixin Garowe Madaxwaynuhuu waxaa ku soo maray diyarada siday  wafdi uu isna dhinica hogaminayo Raysalwasaraha Somalia Abdiwali Maxamed Ali Gaas kuwas oo ku siijeeday dalka Kenya si halkaasi ay shir ugu yeeshaan Saxiixayaashii raodmapka.

Madaxwaynaha Puntlland C/raxman Faroole oo hadal koban kusiiyey garoonka diyaradaha ee Garowe warbaahinta ayaa ka waramay socdaalka isaga iyo wafdiga DKF oo ka yimid xamar ay ugu kicitimeen  Nairobi Waxaana uu sheegay in halkaasi uu ka dhici doono kulan dhinacyada sixiixa yaasha qariirada ay isugu iman doonaan.,

Lama garanayo  qodobada kale oo looga hadlayo shirka saxiixayaasha Qarida nadaba ee Nariobi ka dhici dona inkastoo wararku qaar ay shegayaan in ay qayb ka tahayxoghayaha Arimaha dibada ee Maraykanka Hilry Clinton oo socdaal ku mari dontatodobadkaan Qaybo ka mida afrika Kenyana ay qayb ka tahay

Marka loo eego Qorshayaasha Raod Mapka waxaa uu u muuqdaa kuwa inta badan  qodobadii lagu heshiiyayay wax ka soo qabsoomeen sida Ansixinta Dasturka Barlamank Cusub iyo iskuraacida Shirarkii lagu qabtay Dalka gudihiisa iyo dibadisa taaso oo mujinaysayin Kumeel garnimadii laga baxay Dowlad Faderalna ay dhalantoda inta ka horaysa20 August.

Sawiro





C/naasir Yaasiin Salaad
SBC International Garoowe