Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe kula kulmay Wafdi uu horkacayay madaxa howlgalka Unsom ahna wakiilka qaramada midoobay Soomaaliya Mr Nicholas Kay,

Kulan ayaa ku dhexmaray labada masuul aqalka Madaxtooyada, waxaana kulankaasi la isula soo qaaday arimo farabadan oo ay ugu weyntahay xaaladaha siyaasadeed ee dalka tan Puntland iyo weliba dib u dhiska .

Madaxweyne Faroole iyo Wakiilka ayaa saxaafada u qabtay shir jaraa’id ka dib markii uu dhamaaday kulankooda waxaana ay u sheegeen in ay isla meel dhigeen qodobadii ay isla soo qaadeen .

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale soo hadal qaaday arimaha Doorashooyinka Puntland iyo nidaamka cusub ee Xisbiyada badan isagoona amaanay heerka uu nidaamkani marayo.

Waxaa kale oo uu tilmaamay Dr Faroole in mihiimad ay u tahay imaanshaha Ergeyga Gaar ka ah e xoghayaha Qaramada Midoobay ayna u balan qaadeen in ula shaqeyn doonaan sida ergaygii ka horeeyay ula shaqeynayeen.

Mr Nicholas Kay ayaa isna goobta ka amaanay Puntland iyo nidaamka cusub ee ay u talaabsaneyso waxaanu tilmaamay in ay qaramada midoobay ka qeyb aheyn doorashootinka puntland balse ay ku qanacsantahay isbedelka dalkan ku dhacayo.

Daawo Sawirada
IMG_3742 IMG_3748 IMG_3753 IMG_3755 IMG_3759 IMG_3762 IMG_3771 IMG_3776 IMG_3786 IMG_3791 IMG_3800 IMG_3812 IMG_3815 IMG_3817 IMG_3820 IMG_3822 IMG_3840 IMG_3842 IMG_3843 IMG_3848 IMG_3850 IMG_3854 IMG_3868 IMG_3869 IMG_3875