Madaxweynaha Dowlada Soomaaliyeed ee Puntland Dr C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole iyo wafdi balaaran oo uu horkacayo ayaa maanta ka duulay garoonka Diyaaradaha Bandar qaasim ee magaalada Boosaaso isagoona u kicitimay dhanka magaalada Nariobi xarunta dalka Kenya .

Madaxweynaha ayaa halkaasi kaga qeyb galaya kulan ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay kaas oo looga arinsanayo arimo farabadan oo ku taxaluqa xaalada dalka Soomaaliya, waxaana ka soo qeyb galaya dhamaan dhinacyada siyaasada Soomaaliya sida Maamul goboleedyada, Puntland, Galmudug, Somaliland iyo weliba Masuuliyiinta Dowlada Federalka KMG ah ee Soomaaliya .

Inta uusan ka amba bixin saaka garoonka Diyaaradaha Boosaaso Ayaa madaxweynuhu waxa uu la hadlay saxaafada isagoona u sheegay in Dowlada Puntland ay casuumaad ka heshay golaha Amaanka Qaramada Midoobay islamarkaana ay ku jeedaan magaalada Nairobi ,

Sidoo kale madaxweyne Faroole waxa uu intaasi raaciyay in xaalka Soomaaliya oo laga hadlaa ay tahay mid wanaagsan dowlada Puntlandna ay ka qeyb galeyso horayna uga qeyb gashay kulamo ay sidan oo kale u soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay, waxaanu soo qaatay Maah maah Aheyd “Nin Bukaa Boqol u talisay” Soomaalina hadii ay tashan weyday dadkalaa u talinaya” ayaa ka mid ahaa hadalka Madaxweynaha.
[audio:http://sbclive.net/sbca/wp-content/uploads/2011/05/Mweyne-faroole-1.mp3|titles=Mweyne faroole 1]
Madaxweynaha oo hadalkiisu dhinacyo badan taabanayay ayaa sidoo kale waxa uu ugu dardaarmay Shacabka Reer Puntland in ay ka taliyaan waxyaabaha wanaagsan islamarkaana iska moosaan waxyaabaha ku keeni kara kala qab qabnimada, islamarkaana dhowraan midnimada iyo Amaanka .[audio:http://sbclive.net/sbca/wp-content/uploads/2011/05/Mweyne-faroole-2.mp3|titles=Mweyne faroole 2]
Dhinaca kale waxaa iyana Maanta ka Amba Baxay magaalada Gaalkacyo wafood sare oo uu hormacayo madaxweynaha Galmudug Maxamed Axmed Caalin kuwaas oo ku sii jeeda magaalada Nairobi xarunta dalkaasi Kenya si ay ugu qeyb galaan kulanka ay qaramada Midoobay arimaha Soomaaliya uga hadleyso, waxayna ka mid tahay maamul goboleedyada Somaliya ka jira ee kulankaasi lagu cusuumay.

Xubno sar sare oo ka tirsan DKMG ah iyo Maamulka La baxay Soomaaliland ayaa iyana sidoo kale ka kala amba baxay Magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa iyagoona u kicitibay Dhanka magaalada Nairobi si ay iyana uga qeyb galaan kulanka halkaasi ka dhacya.

SBC International Boosaaso.