IMG_0658 - Copy
Imitixaanka Shahaadiga ah ee Puntand  oo sanadkan ay  u fariisteen 8515 arday guud ahaan deeganda Puntalnd ayaa waxaa saaka  furitaankiisa dusiga Sare ee gambol garoowe kaga qayb galay Madaxwaynaha Puntalnd C/rixmaan Maxamed Maxamud Faroole oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golaha xukuumada  .

Madaxwayne faroole oo la hadlayey aradayda imtixaanka u fariisanayey ayaa sheegay in uu ku faraxsanayahay hormarka balaaran ee ay gaartay  waxabrashada Puntland oo uu tilmamaay in u riyaaqeen dowlada federalka ah ee Soomaliya  taasi oo uu sheegay in tusaale ku u qaadan doonan .

Wasiirka waxbarashada Puntland Cabdi faarax Siciid Juxaa oo kormeeray xarumaha imtixaanku ka socday ee garoowe ayaa dhankiisa  Arday ,Walidiinta ,Ilaaliyaasha Imtixaanka iyo Ciidamada amaanka Puantland u baaqay in masuuliyad iska saran todobaaadka imtixaanku socdo

Tirada ardayda sanadkan Imtixaanka u fariisanaysa ayaa noqnaysa tii ugu badnayd oo Puntland  u fariista Imtixaanka kama dambaysata ah  ee dugsiga sare  fasalka 4aad iyo dugsiga dhexe 8aad  .
IMG_0644 - Copy
IMG_0609 - Copy IMG_0625 - Copy