11_7
Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr C/raxmaan Maxamed maxamuud Faroole ayaa maanta ka qeyb galay kulan xasaasi ah oo uu u fariistay Baarlamanka Puntland.

Madaxweynaha ayaa furay kulanka Baarlamanka waxaanu ka jeediyay qudbad balaaran oo dhinacyo badan taabaneysay

waxa uu Madaxweynuhu halkaasi ka sheegay in kulankan xasaasiga ah uu yahay mid ay dowladu codsatay islamarkaana ay u soo gudbiyeen gudiga doorashooyinka Punltand uuna ku saabsanyahay dib u eegista qodobo ku jira xeerka doorashooyinka Dowladaha hoose ee Puntland.

Warbixin arintaasi ku saabsan ka dhageyso halkan iyo wariye C/naasir Yaasiin
Warbixin Wariye Cnaasir Yaasiin salaad