Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr C/raxmaan Shekh Maxamad Maxamuud Faroole ayaa maanata kulan kusaabsan amaanka kula yeeshay aqalka Madaxtooyda Magaalada Bosaso Wax garadka Gobolka Bari. .

Kulankan dhexmary wax garadka Gobolka Bari iyo Madaxweynaha ayaa intiisa Badan waxaa looga hadlayey sidii Siwada jira loogu adkeyn lahaa amaanka Magaalada Bosaso .
[audio:http://sbclive.net/sbca/wp-content/uploads/2011/05/1-cod-1.mp3|titles=1 cod 1]
[audio:http://sbclive.net/sbca/wp-content/uploads/2011/05/1-cod-2.mp3|titles=1 cod 2]
[audio:http://sbclive.net/sbca/wp-content/uploads/2011/05/2-cod.mp3|titles=2 cod]
Dr Faroole Madaxweynaha Dawlada Puntland oo kulankaas kadib la hadlay Saxaafada ayaa waxa uu Saxaafada uga waramay Kulankii uu Laqaatay wax garadka Gobolka Bari isa goo Madaxweynuhu Sheegay in ay odayaasha kawada hadleen sidii loo adkeyn lahaa amaanka Magaalada Bosaso.

Dhanka ka kale Madaxweynaha Puntland ayaa waxa uu kahadlay Dil Habeenkii xalay ahaa Magaalada Bosaso loogu geystay labo Nin oo midi ahaa Ganacsade halka kanklana uu ahaa Nin Oday ah.

Madaxweynaha ayaa Falkaasi Sikulul u Canbaareery Dilkii Xalay sheegayna in falkaasi ay kulug Leeyihiin Dad Raba in ay qabaa,ilada Dega Magaalada Bosaso  ay Madaxa isu Galiyaan wuxuuna sheegay Madaxweynuhu in falkaasi ay Ka danbeeyaan Dad cadow ku ah amaanka Deegaanada Puntland.

kulankan uu Madaxweynuhu la yeeshay Wax garadka Gobolka Bari Ayaa Noqonaya kii Labaad  oo uu Layeesho Waxgaradka Gobolka Tan iyo intii uu Yimi Magaalada Bosaso.

Cismaan Saalax Ismaaciil
SBC International Boosaaso