Madaxweynaha dawlad goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole  ayaa maanta  ka warbixiyey safaradii dhawaan wafdi uu hogaaminayey ku kala bixiyeen wadamo ka tirsan Bariga Afrika, oo uu ka mid yahay wadanka Ugandha oo uu kaga qayb galey shirkii kooxda xiriirka caalamiga Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa warbixintan wuxuu jeediyey ka dib markii maanta dib ugu soo laabtey magaalada Garowe ee xarunta Puntland, isagoo safaradiisa ku soo marey wadamada Jibuuti, Kenya, Itoobiya & Ugandha. (Player-ka hoose ka dhageyso hadalka Madaxweynaha) Hadalka Madaxweynaha Puntland Faroole

 Madaxweyne Faroole oo maanta ka soo duulay dalka Jabuuti oo uu  baryihii ugu danbeeyay uu ku sugnaa ayaa markii uu ka soo degay  garoonka diyaaradaha ee Garowe warbixin kooban ku siiyay warbaahinta,  isaga oo ka hadlay shirarkii uu ka qeyb galay, iskastoo uusan  faahfaahin dheeraad ah ka bixinin, balse uu sheegay in heshiiskii Kampala ay ka war sugayaan sida uu noqdo, aysan ka hordhaceyn.

Faroole ayaa sheegay in shirarkii uu ka qeyb galay looga hadlayay sidii xal loogu heli lahaa dhibaatada ka jirta dalka, islamarkaana si  wada jir ah looga wada qeyb qaato in xal laga gaaro arrimaha dalka ka  jira.

 Madaxweynaha maamulka goboleedka Puntland ayaa sidoo kale ka hadlay  shirka wada tashiga ah ee lagu wado in bishani June uu ka dhacayo  magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in guddi qiimeyn dhanka amniga ah  loo xilsaaray dalka Soomaaliya, kaasi oo ka kooban xubnihii ka qeyb  galay shirkii Nairobi, isaga oo sheegay in guddigaas ay xubin ka tahay  Puntland, kana tallo bixinayaan meesha ku haboon ee lagu qabanayo  shirka.

 Shirka wada tashiga ah ee uu qaban qaabinayo u qeybsanaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mr. Mahiiga ayaa Faroole sheegay in ay Puntland ka qeyb gali doonto.

C/naasir Yaasin
SBC  Garoowe