Faroole oo ka qeyb galay Xiritaanka olole Caafimaad oo ka socday Isbitaalka Boosaaso

Madaxwaynaha dawlada Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole iyo waliba qaar ka mid ah golihiisa wasiirada ayaa maanta waxa ay kaqayb galeen munaasibad balaaran oo lagu soo gaba gabaynayay ololaha ciribtirka isku furanka dumarka  oo muddo laba asbuuc ah kasocday isbitaalka wayn ee magaalada Boosaaso .

Mashruucani ku aadan ciribtirka isku furanka dumarka ayaa waxaa waday wasaarada caafimaadka Puntland oo kaashanaysa hay,adda UNFPA Iyo waliba dhakhaatir kasocota hay adda WAHA .

Ugu horayn waxaa munaasibadaasi kahadlay agaasimaha isbitaalka guud ee magaalada Boosaaso Dr Cabdulaahi Siciid oo sheegay in ololahan uu muddo laba asbuuc ah uu kasocday isbitaalka guud ee magaalada Boosaaso waxana uu sheegay in ololahan ay iska kaashanayeen wasaarada caafimadka Puntland iyo hay,adda UNFPA  ayna fuliyeen koox dhakhaatir ah oo kasocotay hay,adda WAHA .

‘’Isku furanka dumarka waxaa layiraahda markay isku furmaan dariiqyada waayo waxaa jira saddex dariiq oo halka hoose ee dumarku ay leeyihiin sida dariiqa kaadi mareenka,dariiqa xaga dumarka oo aynu naqaan ,iyo waliba dariiqa xaga walamadka saddexdaa dariiq marka ay isku furmaan ayaa layiraahda isku furanka dumarka laba siyood ayaa layiraahdaa cudurkaasi waa ku imaan karaa midi waa foosha uu dheerata marka fooshu ay dheerataan waxaa imaanaysa ilmihii inuu soo caburiyo miskihii marka laftii miskaha iyo ilmaha madixiisa maxaa udhaxayn kara waxa udhaxayn karaa hilibkii jilicsanaa ee hooyada hilibkaa marka uu dhinto wuu soo dhacayaa markaas waxaa imaanaysa labadii tuubo ilmahaas madixiisa udhaxeeyay inuu isku furmo ‘’Sidaasi waxa yiri Dr Axmed Cali oo isagu lashaqaynayay dhakhaatirti kasocotay hay,adda WAHA .

Dr Obsiye waa madaxa hay,ada UNFPA ee Puntland  waxana uu kamid ahaa masuuliyiintii kahadashay madashaasi waxana uu sheegay in hay,ada UNFPA ay kaqayb qaadatay mashruucan intii uu socday .

Qaali cusmaan waxa ay kamid ahayd hawenki lagu guulaysatay in cudurkaani laga dabiibo waxana ay sheegtay in ay aad ugu mahadcelinayso dhakhaatirtii iyada qaliinka kusameeyay kuna guulaysay iyo waliba wasaarada caafimaadka Puntland oo iyadu kaashanaysay hay,adda UNFPA.

Ugu dambayn waxaa munaasibaadasi xiritaanka u ahayd ololaha ciribtirka haweenka isku furma kahadlay madaxwaynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo sheegay in maqsuud uu kayahay howsha laga qabtay halkaasi looguna gargaaray haweenay farabadan oo cudurkaasi iyagu ladaala dhacayay  waxana uu mahadgaar ah uu ujeediyay wasaarada caafimaadka Puntland isagoona uga mahadceliyay howsha adage ee ay uhayaan shacabkooda .

Sawiro







SBC International Boosaaso.

2 Responses to Faroole oo ka qeyb galay Xiritaanka olole Caafimaad oo ka socday Isbitaalka Boosaaso

  1. Dahir Mohamed says:

    runtii ra’yigaaga xor baad u tahay,laakiin taladdii saxa ahayd ma aadan bixin.
    madaxwaynaha dowlad goboleedka puntland,mudane cabdiraxmaan faroole,waxa uu mudanyahay amaan iyo dhiiri gelin.waxaa laga yaabaa, in aad la midtahay kuwa,welli ku dhegan in madaxda dowlada puntland ay soo magacaabaan,madax dhaqameedyo.taasi waa laga soo gudbay,maantay puntland waa cusub ayaa u beryey.
    dadka had iyo goor,yiraahda dagaal ayaa dhici haddii ,la hirgelyo nidaamka saxaabta badan,waxba ma tari karaan,waa laga soo gudbay,waxa ay ku hadaaqayaan shaqsiyaadka samadeedka ee raba,in shacbiga reer puntland,ay ku beerlaxawsadaan,nidaam beeleed,war dadkiina dhinaca ka raavca oo joojiya,isko dirka iyo koodinta aad wadaan,puntland waxa u hayaantahay u guurida nidaamka cusub,kaasi oo ah kan kelya ee ka turjumaya dimoqoraadiyada.

  2. Cali Ciise Nuur says:

    Waaaaaaw. dadka weli murtidii kama dhamaan. gabaygaan cajiibka ah Allaha ku anfaco Mudane Faroole. Aamiiiin Aamiiiiiiiiiiin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print
NEWS IN ENGLISH
WARARKII