Madaxda sar sare ee Maamulka Puntland ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad Tababar loogu soo xiraayay ciidamo mudo taba bar uga socday xerada 54aad ee duleedka magaalada Garoowe.

Madaxweynaha Puntland DrC/raxamaan Faroole iyo Kuxigeenkiisa C/samad Cali Shire iyo qaar ka mid ah golaha wasiirada Puntland ayaa ka qeyb galay munaasabada tababarka loogu soo xirayay ciidamadan, waxaana ugu horeyn halkaasi ka hadlay oo faah faahin kooban ka bixiyay Mudadii ay ciidamadan Tababarka ku soo jireen Sareeye Gaas Siciid Maxamed Xirsi,

Waxa uu sheegay Sareeye gaas Siciid Xirsi in ciidamadan ay ka mid yihiin daraawiishta Puntland ayna qaateen Tababar mudo 4bilood ah u socday islamarkaana ay diyaar u yihiin difaaca iyo u shaqeynta dalka.

Madaxweynaha Puntland Dr C/raxmaan Faroole ayaa isna halkaasi ka hadlay isagoona sheegay in uu si aad ah ugaga maqsuuday Tababarka ciidamadan Daraawiishta ah u soo xirmay, waxaanu ugaga mahad celiyay saraakiishii iyo tababarayaashii howshan qabtay.

Intii uu hadalkiisa watay madaxweynuhu waxa uu ku booriyay ciidamada Daraawiishta ah ee maanta tababarka u soo xirmay in ay dalkooda u shaqeeyaa una kaba gishtaan sidii ay ugaga hortagi lahaayeen cadow walba oo soo weerara.

Sikastaba ha ahaatee Ciidamadan tababarka loo soo xiray ayaan la shaacin tiradooda waxaana la sheegay in mudo 4 bilood ah uu u soconayay tababarkan.

Maxamed Siciid yuusuf
SBC International Garoowe