Madxweynaha Dowlada Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa ka hadlay qaraxa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho xarunta dalka Soomaaliya .

Madaxweynaha oo la hadlayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBCda ayaa ku tilmaamay qaraxa ka dhacay Magaalada Muqdisho mid uu siweyn uga xumaaday islamarkaana uu yahay mid cadow tinimo ah oo lagula dagaalamayo Soomaalinimada iyo birimageydada aan waxba galabsan, sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uu intaasi ku daray in qaraxasi uu saameyn buuxda ku yeelanayo dhamaan caalamka ee aanu ku yeelan doonin oo keliya umada Soomaaliyeed .

Qaraxan maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ah mid saameyn buuxda ku reebay umada Soomaaliyeed kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 75 qof kuwaas oo u badan arday.

SBC International News Desk