Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa maanta ka hadlay Dagaalkii xooganaa ee ka dhacay saaka magaalada Buuhoodle xarunta gobolkaasi Cayn, kaasi oo u dhexeeya maamulka Soomaaliland iyo dadka deegaanka buuhoodle.

Waxaana uu ku tilmaamay madaxweynuhu in dagaalkaasi uu yahay mid ay gardareysi u soo qaadeen ciidamada Maamulkaasi Soomaaliland, isagoona maamulkaasi uga digay in ay  horseedaan dagaal sokeeye oo dib uga qarxa Soomaaliya.

“Xukuumada Soomaaliland waxay Gardaro Qaaban ku wadaa deegaanada gobolka Ceyn, waxaana maanat ay weerar ku soo qaadeen dhanka deegaanka buuhoodle iyagoona weliba Fariistay goobihii ay dadka deegaankaasi biyaha ka cabayeen” ayaa ka mid ahaa hadalada Madaxweyne Faroole.

Waxaa sidoo kale madaxweynu uu sheegay in aay nasiib daro tahay in maamulka Soomaaliland oo ku faanayay in ay nabada ka shaqeynayaan ay ku soo duulaan gobolo nabad ah oo ka tirsan Puntland,

“Waxa xun oo nasiib daro ah, in xili la joogo in la soo afjaro nabadgeliyo xumadii ka jirtay Guud ahaan dalka ay nabad geliyo xumo abuuraan Maamulka Soomaaliland”

Waxaa u ka jeediyay sidoo kale Arinta Dagalaada ay maamulka Soomaaliland ku la jirto dadka deegaanka buuhoodle baaq, isagoona sheegay in uu ugu yeerayo Ciidamada maamulkaasi ay dib ugu laabtaan meelihii ay ka soo Duuleen.

Sikastaba ha ahaatee waxaa isa soo taraya wararka dagaalkaasi ka soo baxaya iyadoona la sheegay in khasaare Farabadan oo labada dhinac ah ay ka dhasheen .

Maxamed Siciid Yuusuf
SBC International Garoowe