Madaxweynaha Puntland oo isku shaandheyn ku sameeyay Wasiirada Xukuumada Puntland

Madaxweynaha dowlada Puntland Dr C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa Maanta Xafiiskiisa Magaalada Garoowe ka soo saaray Wareegto isku shaandheyn loogu sameynayo Golaha wasiirada Puntland.

ku xigeenka Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Axmed Caydiid ayaa u aqriyay saxaafada Maanta Wareegtada ka soo baxday Madaxweynaha taasi oo Xililkii looqa qaaday wasiiro iyo wasiir ku xigeeno xukuumada kamid ahaa laguna magacaabay kuwo kale .

Waxa ay u qorneyd Wareegtada Madaxweynaha Sidan.

Madaxweynaha Dowlada Puntland.

Marku Arkay Dastuurka Dowlada Puntland
Markuu Tixgeliyay baahida loo qabo Isku dhaandheynta iyo wax ka bedelka golaha xukuumada
Markuu la tashaday Madaxweyne ku xigeenka Puntland  .

Wuxuu xeeyriyay, Magaacaabista isku shaandheynta Lagu sameeyay Golaha wasiirada Puntland.

Cali Axmed Gamuute
Wasiirka Wasaarada Gaancsiga  iyo Warshadaha.

Egn Maxamed Ceydiid Ibraahim
Wasiirka Wasaarada Warfaafinta, Isgaarsiinta Hidaha iyo Dhaqanka.

Xaliimo Xasan Xaaji
Wasiirka Wasaarada Haweenka iyo Arimaha Qoyska.

Xasan Yaasiin Maxamed
Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo garoomada

Maxamed Maxamuud Cali Bile |
Wasiirudowlaha Amniga Madaxtooyada.

Sayid Maxamed Cabdulle
Wasiirudowlaha Wasaarada Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah iyo Arimaha Federalka.

Saleebaan Maxamuud Siciid
Wasiirudowlaha Wasaarada Deegaanka , Dalxiiska iyo Duurjoogta

C/qani Salaad Yuusuf
Wasiirudowlaha Wasaarada Kaluumeysiga iyo Qeyraadka Badda.

C/laahi Jaamac Cali
Wasiirudowlaha Wasaarada Amniga iyo DDR

Maxamuud Maxamed idiris
Wasiirudowlaha Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha.

C/raxmaan Maxamuud Xaaji Xasan
Wasiir ku xigeenka Wasaarada Maaliyada.

Axmed ibraahim C/raxmaan
Wasiir ku xigeenka Wasaarada Qorsheynta, xiriirka caalamiga ah iyo arimaha Federaalka.

Jaamac Yuusuf Jaamac iyo maxamed C/laahi Bootaan
Wasiir ku xigeenada Wasaarada Waxbarashada.

Bashiir Jaamac Maxamuud iyo C/qani Geele Maxamed
Wasiir ku xigeenada Wasaarada Duulista Hawada iyo garoomada.

C/sharkuur Mire Aadan
Wasiir ku xigeenka wasaarada Dekedaha iyo Gaadiidka badda

Abshir Siciid Saalax
Wasiir ku xigeenka Wasaarada Howlaha guud iyo gaadiidka

Maxamuud Maxamed Sheeq Ibraahim
Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arimaha GUdaha iyo dowladaha hoose.

C/raxmaan Cabdi Ismaaciil
Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta  Isgaarsiinta Hidaha iyo Dhaqanka.

Yuusuf Cali Siciid
Wasiir ku xigeenka Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Ciyaaraha.

C/raxmaan Diiriye Carab iyo Cabdi Jaamac Geesood
Wasiir ku xigeenada wasaarada beeraha iyo Waraabka

Caasho Maxamuud Axmed
Wasiir ku xigeenka Wasaarada haweenka iyo Arimaah Qoyska.

Wasiirada, Wasiir dowlayaasha iyo Wasiir ku xigeenada Xilka laga qaaday.
Axmed Cali Askar
Xasan Faarax Jaamac
Caasha Geele Diiriye
Cali saalax Aadan
Cabdi Yaasiin maxamed
Maxamuud Faarax Maxamuud
Faarax Siciid Cilmi.

Waxa ay wareegtadani dhaqangaleysaa Marka uu Madaxweynuhu Sixiixo Waanu sixiixay.

Daalacatey :1018

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print