Munaasibadan ayaa waxa ay ka dhacday xarunta madaxtooyada ee magaalada Bosaso xarunta gobolka bari waxaana ka soo qaybgalay masuulyiinta ugu saraysa dawlada Puntland oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha dawlada Puntland Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Maxamuud Faroole, wasiirka amniga Khaliif Ciise Mudan, wasiirka maaliyada FaaraxCali Shire, gudoomiye kuxigeenka koowaad ee mudanayasha baaralamanka ,maamulka gobolka Bari kan dagmada Bosaso, ganacsato iyo waliba qaarkamid ah bulshada rayidka ah .

Ugu horayn waxaa munaasibaadasi ka hadlay sheikh Daahir Awcabdi oo kamid ah culimada Puntalnd waxana uu sheegay in lagama maar maan ay tahay in loo wada istaago sidii loo adkayn lahaa nabadgalyada lagama maar maana ay tahay ilaalinta amaanka guud ahaan deeganada Puntland

Gudoomiyaha gobolka bari Cabdisamad maxamed galan waxa uu kamid ahaa masuuliyiinti kahadshay madashaasi waxana uu sheegay in maamulka kajira hada Puntland uu wax badan uu qabtay oo horumar ah .

Wasiirka amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan ayaa isna kahadlay madshasi waxana uusheegay in lagama maarmaan ay tahay in bulshadu ay lajaanqado nidaamka axsaabta badan amnigana lagama maar maan ay tahay in lagashaqeeyo amniga .

Madaxweyne Cabdirixmaan ayaa sheegay in dhisamaha Garoonka diyaaradaha magaaladda Boosaaso ay u hayaan lacagdhan 5-milyan oo doolar oo lagudhameystirayo Garoonka, wuxuuna ka Codsaday iney Ganacsataduna dhankooda ku daraan dhaqaale

Dhawaan ayay ahyd markii uu madaxwayanaha dawlada Puntland cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole uu soo gaaray magaalada Bosaso isagoona uyimi magaalada Bosaso sidii uu kulamo ulaqaadan lahaa qaybaha kaladuwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Bosaso .

 Sawiro