Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa goor dhaweyd ka degay magaalada Jibuuti ee caasimada wadanka Jibuuti, isagoo ka soo ambabaxay magaalada Adis Ababa.

Madaxweynaha ayaa maalmihii ugu dambeeyey ku sugnaa magaalada Adis Ababa, isagoo ka soo qayb galey shirkii magaalada Kampala ay ku yeesheen madaxda wadamada daneeya arimaha Soomaaliya & wakiilo ka socdey kooxda xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya.

Wararka ku saabsan safarka madaxweyne Faroole & warar sheegaya in Itoobiya wadey dhexdhexaadin Puntland & Somaliland kala soco SBC hadii EEBE idmo.

Fartuun Cali Axmed
SBC International Jibuuti