Madaxwaynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole iyo Xubno ka tirsan Xafiskiisa Madaxtooyada ayaa Goor dhawayd ka soo Degay Garoonka Diyaarahaa ee Magaalada Garowe isagoo ka soo kicitimay Magaalada Muqdisho halkaas oo uu kaga qayb galay Shirkii wada tashiga ahaa ee Arrimaha somaliya ka furmay maalintii shalay ahayd isla markaasna ka jediyay Qudbab ku aadanayn Arrimaha Somaliya

Madaxwayne Faroole waxaa ku soo dhaweeyay garoonka Diyaraha ee Garowe Madaxwayne ku xigeenka puntland C/samad Cali shire iyo Xubno isugu Jira golayasha Dowlada inkastoo uusan Madaxwaynuhuu la hadlin Warbaahinta

waa marki ugu horaysay ee Madaxweyne Faroole uu tago Magalada Muqdisho ee Caasimada somaliya tan iyo Markii loo caleemo saaray Madaxtinimada Maamulka puntland sanadii 2009 bishii January

C/naasir Yaasiin
SBC International Garoowe