Madaxweynaha dowlada Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa maanta waxa uu si toos ah u furay shir lagu dhex dhaxaadinayo beelo walaalo ah kuwaasi oo dhowaalahan ku dagaalamay deegaano hoos yimaada gobolka Karkaar siiba Rakoraaxo.

Xaflad balaaran oo lagu qabtay Deegaanka rako ayaa waxaa ka qeyb galay ergo aad u farabadan, gudigii loo xilsaaray xalinta khilaafkan iyo masuuliyiin sar sare oo ka tirsan xukuumada Puntland oo uu horkacayo madaxweyne Faroole, waxaana xaflada lagu furayay kulankaasi wada hadal.

Madaxweynaha Puntland halkaasi waxa uu ka jeediyay qudbad aad u dheereyd oo uu diirada ku  saarayay arimaha nabadda iyo heshiiska labadan beel ee Cali Saleebaan iyo Muuse saleebaan, waxaanu halkaasi madaxweynuhu kaga dhawaaqay in uu furanyahay shirka wada hadal ee labadan beel ee walaalaha ahi.

Shirkani uu maanta madaxweyne Faroole furay ayaa noqonaya kii ugu dambeeyay ee lagu dhex dhaxaadinayo labadan beel ee dagaalamay, waxaana la filayaa in ay ku soo afjaranto khilaafkii u dhexeeyay .

Sikastaba ha ahaatee Waxaa iyana goobta ku sugnaa guurtida labada beel ee la dhex dhaxaadinayay, waxaana ay sheegeen in ay si aad ah ugu faraxsanyihiin sida ay u socoto howshan soona dhaweynayaan .

Xasan C/farey Gentle Man
SBC International Rako raaxo.