Madaxweynaha Puntland Oo Dib ugu soo laambtay magaalada Garoowe

Madaxwaynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamud iyo wafdi ka  mida Golihiisa wasiirada oo dalka dibadiisa ugu maqanaa shirar looga hadlayey somaliya kuwas oo ka dhacay Itobiya Kenya iyo turkiga ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay iyagoo ka soo dulay Dalka jabuuti .

Waxaa ku soo dhaweyay garoonka diyaradaha ee Garowe xubno ka tirsan Golayaasha maamulka Puntland oo uu ka mid ahaa Madaxwayne ku xigeenkiisa C/samad Cali shire iyo dadwayne kale iyado uu madaxwaynuhuu salaan sharaaf ka qaatay  cutubyo ka tirsan Cidamada Daarawiishta kadibna loo galbiyey xarunta madaxtooyada .
 
Madaxwaynuhu waxaa uu ka warbixiyay Safaradii u dalka kaga maqnaa iyo dalal uu sheegay in ay ku heshiiyeen hormarka iyo la dagaalanka Burcad badeeda oo ay mar uu socdaal ku tagay dalka Hindiya sidoo kale waxaa uu ka waramay Dastuurka somaliya iyo saxiixaayashii raodmapka oo uu ku tilmamay in ay ka go’an tahay dhamaystirka kala guurka mar uu soo hadal qaaday Dastuurka ayuu shegaay in ay qodobo badan ku dareen kuwa kalena laga saray oo la badalay balse sheegay in ay markii danbe ku  heshiiyeen  Magalada Nairobi kuna dhaamaystireen.

Faroole waxaa uu sheegay in ay dhaamaan shirarkii ay u tageen ay noqdeen kuwa guulo badan koodii ay ku soo dhamaadeen isla markaasna tilmamay in Puntland ay u tagan taahay Midnimada Somaliya

Waana socdalkisii ugu dheeraa tan iyo markii la doortay madaxwaynaha Puntland C/raxman Faroole uu dalka kaga maqnaado mudo ku dhow labo bilood.

C/naasir Yaasiin Salaad
SBC international Garoowe

Daalacatey :610

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print