Madaxweynaha Puntland Dr:Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud ayaa saaka Masuuliyiinta Jaamacadda bariga Afrika ku wareejiyey Dhulka mida dhulka si gaarka ah ay u maamusho dawlada puntland oo ku yaala Duleedka waqoyiga  Magaalada garoowe ,

Maxaweyanaha ayaa sheeegey in ay soo dhaweeynayaan talaabo kasta oo ay u gartaan in bulshada Puntland uu horumar u horseedayo. Isla markaana ay jaamacada u siiyeen dhulkan ka dib markii uu ku yaraaday  dhulkii hore oo ay ku oolayd .

Madaxa jaamacadda Afrika Faraceeda garoowe shikh Maxamud ayaa dhankiisa ka mahad celiyey kaalinta waxtarka leh ee madaxweynuhu  kaga jiro horumarinta Waxabarashada waxaanu shaagey in ay ku faraxsanyihiin dhulkan la gudoonsiiyey jaamacadda.

inkastoo aan la shaegin baxada dhulka saka  la gudoonsiiye jaamacadada bariga afrika ayaa waxaa laguqioyasayaaa ilaa 3kun oo mr  waxaana la qorsheynayaa in dhawaan la bilaabo dhisme balaadhan 
oo ay jaamacadu degi doonto sidokale  waxaa qeybo ka mida dhulkaasi laga dhisi doonaa Kulliyada Caafimaad ee jaamacada barigha afrika  fareceeda  Magalada  Garowe 

Maxamed Siciid Yuusuf
SBC International Garoowe