Daqiiqado ka hor magaalada Muqdisho caasimada Dalka waxaa gaaray Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole iyo Wafdi uu horkacayo .

Wafdiga Madaxweyne Faroole ayaa siweyn loogu soo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho iyadoo ay ka qeyb galeen soo dhaweyntiisa Madaxda xukuumada KMG ah ee Soomaaliya iyo weliba Dadweyne Aad u tirobadan,

Madaxweyne Faroole ayaa Muqdisho waxa uu u tagay sidii uu uga qeyb qaadanlahaa furitaanka kulanka wada tashiga Soomaalida ee lagu qabanayo magaalada Muqdisho.

Shalay ayay ahayd Markii magaalada Muqdisho ay ka degeen Gudi dowlada Puntland uga qeyb galaya Shirkada oo ka koobnaa wasiiro iyo xubno kale .

Maxamed C/laahi Faarax
SBC International Muqdisho.