Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa maanta Cafis toos ah u fidiyay Wariye Feysal Maxamed Xasan (Feysal Boston) oo ka tisan wariye yaasha ka howlgala magaalada Boosaaso .

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu xusay in siideynta wariye Feysal Maxamed Xasan lagu saleeyay Munaasabadda 1da August ee ku beegan u dabaal dega xiligii la aas aasay Dowlada Puntland .

Waxaa sidoo kale ku xusnaa wareegtadan in Cafis gaar ah loo sameeyay wariye Feysal Boston ka dib markii uu eegay Dastuurka Dowlada Puntland qodobka 255 iyo weliba tix gelintii waraaqda sumadeedu aheyd 91 ee xeer ilaaliyaha guud ee dowlada Puntland uu u qoray madaxweynaha,

Feysal Maxamed Xasan ayaa dhowr iyo toban maalmood ku xirnaa xabsiga magaalkada Boosaaso, ka dib markii ciidamada Amaanku ay ka qabteen gudaha Magaalada, Maxkamada gobolka barina ay ku dhawaaqday xukun ah 1 sano.

Wareegtadan ayaa waxaa ku saxiixnaa madaxweynaha Dowlada Puntland

Sidoo kale waxaa uu madaxweyne Faroole cafis u fidiyay maxbuus kale oo kor u dhaafeysa 90 qof kuwaas oo ku xirnaa xabsiyada Puntland Sanadguurada Puntland Awgeed.

C/naasir Yaasiin Salaad
SBC International Garoowe