Madaxwaynaha Puntland ayaa maanta duhirnimadii boqasho cafimaad ugu tagay Fanaanada Somaliyeed ee Saado Cali Warsame oo shalay dhawac ka soo gaarey shil gaari oo ka dhacay duleedka Magaalada Garowe ,

Saado waxaa uu madaxwaynuhu ku booqday Guriga Wasirka haweenka Iyo Arriihama Qoyska Casho Geele Diiriye iyadoo uu fananada wajigeda ka muuqday cafimaad badan oo ay dareemaysay  inkastoo gacanta bidix uu jabnin ka soo garay oo ay kor u haysay, hadana marka ay shekeynaysay waxaa ay ahayd fanaanadu mid dadka ka qoslinaysay oo hadaladeda laga dheehan karay in ay soo martay xiligii shilka xanuun badan balse ilahay ugu mahadnaqsay .

Madaxwaynaga Puntland C/raxamaan Maxamed Maxamud  ayaa isna dhinciisa u rajeeyay Fananada caafimaad isagoo sheegay in ay fananadu tahay mid Soomaaliyeed oo dal iyo dibadba ku leh Sumcad, waxaana ku weheliyay Fananada boqashada madaxwaynaha Wasiro ay ka mid ahayeen Wasirka Arimaha gudaha iyo Dowlaha Hoose C/laahi Axmed Jamac ilka jiir Wasirka Maaliyada Farax Cali shire iyo Xubno kale oo ka tirsan Xafiska Madaxtooyada .

Dhanka kale waxaa saaka lagu aasay Garowe Labadii wariye oo shilki shalay ku geeriyooday kuwaas oo mid ka mid aha dhawac ahaan ugu geeriyooday xalay saqdii dhexe ispitaalka Garowe,

Jamac Nuur Jeele ayaa xalay saqdii dhexeu geeriyooday dhaawaca soo gaaray, halka Maxamed Cali Cilmi uu isagu isla shalay galab ku geeriyooday shilkaasi waxaa sidoo kale wali dhawac culus ah darwalkii Gaariga faysal axmed tarabi oo dhawac xoogan ka soo garay madaxa iyadoo maantana aaska uu kala qayb galay Labada wariye dadwaynihii asayey madaxwayne ku xigenka Puntland C/samad Cali shire.

Sawiro.





C/naasir Yaasin Salaad
SBC International Garoowe