Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa maanta hambalyo u diray madaxda & shaqaalaha SBC isagoo ugu hambalyeeyey munaasabada 10 sano guuradii ka soo wareegtey aasaaskii warbaahinta caalamiga ah SBC. (Player-ka hoose ka dhageyso hambalyada Madaxweynaha) Halkan ka dhageyso madaxweynaha Puntland hadalkiisa

Mulkiilaha warbaahinta SBCMulkiilaha hay’adda warbaahinta Soomaaliyeed ee SBC Cali Cabdi Awaare ayaa munaasabada xuska 10 sano guurada ka soo wareegtey aasaaskii warbaahinta caalamiga ah ee SBC wuxuu hambalyo u diray dhamaan shaqaalaha & madaxda warbaahinta & waliba dadka sida aadka ugu xiran warbaahinta SBC(Player-ka hoose ka dhageyso hadalka mulkiilaha SBC)  dhageyso hadalka mulkiilaha warbaahinta SBC

Issimada Gobolka Bari

Nabadoon C/qaadir Xarago oo ka mid ah issimada Puntland ayaa isaguna hambalyo diiran u jeediyey maamulka & shaqaalaha warbaahinta SBC isagoo ugu hambalyeeyey munaabasabadan qiimaha leh ee dabaaldega sanadguuradii 10-aad ee aasaaskii warnaahinta (Player-ka hoose ka dhageyso hadalka Nabadoonka) Dhageyso hadalka NabadoonkaSaxaafadaGudoomiyaha ururka saxafiyiinta qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ) C/risaaq Cumar Ismaaciil (Sheekh-Aduun) & xoghayaha guud ee ururka NUSOJ Cumar Faaruq Cusmaan ayaa iyaguna hambalyo iyo bogaadin u jeediyey dhamaan maamulka & shaqaalaha warbaahinta caalamiga ah ee SBC, iyagoo ugu hambalyeeyey munaasabada 10 sano guurada ka soo wareegtey aasaaskii warbaahinta SBC.