farooleWareegto maanta ka soo baxday Madaxweynaha Puntland dr C/raxmaan Faroole  ayaa waxaa lagu magacaabay Wasiir ku xigeenka wasaarada Amniga Puntland.

Wareegtadan ayaa waxaa ku qorneyd in wasiir ku xigeenka  wasaarada Amniga uu noqonayo Sareeye guuto C/casiis Siciid Gacmey oo horay xilal uga soo qabtay xukuumadihii hore ee Puntland.

Waxaa sidoo kale wareegtadan ku xusna ain magacaabistan la sameeyay ka dib markii uu madxweynuhu sameeyay latashiyo kala duwan, ka dibna loo magacaabay C/casiis Siciid Gacmey in uu noqdo Wasiir ku xigeenka wasaarada Amniga, iyadoo loogu rajeeyay in uu sida ugu haboon uga soo dhalaalo xilka loo magacaabay.

Wasaarada Amniga Puntland ayaa waxa ay horay u laheyd laba wasiir ku xigeen sida wasiir ku xigeenka koobaad iyo wasiir ku xigeenka labaad .

SBC International Garowe