Wasiir Dowlaha Arrimaha Dibada ee Dalka Talyaniga  alfredo Mantica oo Galabta dib uga dhoofay Garoonka diyarahada ee Magaalada Garowe  kadib socdaal gaban oo uu ku yimid Puntland ayaa inta uusan ka dhoofin Garowe waxaa ay si wada jir ah ugu qabteen Xarunta Madaxtooyada Garowe  Madaxwaynaha Puntland iyo Wasir dowlaha arrimaha Dibada Talyaniga shir Jara’id oo ay ku fahfahinyaan labada dhinac waxaa ay isla af garteen iyagoo kormeer ku soo maray xarumo ay ka mid ahayeen Jamacadaha Garowe iyo Sipitaalka Guud ee Garowe iyagoo warbixino ka dhagaystay Masuliyinta  Xarumaha ay booqdeen.

Madaxwaynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamud Faroole oo ku hormaray hadalka ayaa sheegay qiimaha uu u leeyahay Puntland boqashadiisa waxaa uu intaasi ku daray Mashariic uu talyaanigu ka fulinayo Puntland .

Wasiir Dowlaha Arrimaha Dibada Alfredo Mantica oo isna hadalay ayaa ad uga mahad celiyay soo dhawaynta balaran oo uu kala kulmay Madaxda Puntland iyo shacabkeda waxaa uu sheegay waxyabaha ay damacsan yihiin in ay ka qabtan Puntland in ay ka mid yihiin Jamacadaha Puntland in ay ka dhigi donan Luuqada talyaniga iyo masharico kale .

Wafdiga oo ay ka mid aheyen xubno ka mida wasarada gashan dhiga wasarada arrimaha Gudah ayaa waxaa ay galabta dib ugu noqdeen Magalada Nairobi waana markii ugu horaysay ee wafdi noocana oo ka socday Xukumada Talyaniga ay soo garaan Puntland.

 

Sawiro



 

C/naasir Yaasiin Salaad
SBC International Garoowe