Garoobka diyaaradaha Bandarqaasim ee magaalada Boosaaso waxaa saaka ka duulay wafdi uu horkacayo madaxweynaha Dowlada puntland Dr C.raxmaan Faroole kaas oo u duulay dhanka wadanka Jabuuti .

Wafdiga raaxay madaxweynaha waxaa ka mid ah wasiirka wasaarada Amaanka Puntland, Khaliif Ciise Mudan, Wasiirka Dekedaha Gaadiidka Badda Siciid Maxamed Raage iyo uqaabilsanaha Puntland ee Jabuuti Mudane Cali Cabdi Awaare

Safarkan ay ugu amba baxeen madaxdan Dhanka Dalkaasi Jabuuti ayaa ujeedkiisa ugu weyni yahay sidii ay uga qeyb gali lahaayeen aaska Alaha u naxariistee Gudoomiyihii Bankiga dhexe ee Dalkaasi Jabuuti Marxuum Jaamac Maxamuud Xeyd.

Sidaasi waxaa SBC u xaqiijiyay Afhayeenka Dowlada Puntalnd Libaax Joorre isagoo intaasi ku darya in madaxweynuhu safarkiisu intaas oo keliya ku saabsanyahay howlkale oo siyaasadeedna aysan jirin, markii uu dhaco aaskaasna uu dib ugu soo laaban doono gudaha Dalka.