Cali Maxamed C/raxmaan Cali Hayaan oo mar ahaa Agaasimihii wasaarada Amniga Puntland xilalna ka so qabtay dowladii Soomaaliyeed ayaa waxaa ku geeriyooday Magaalada Garoowe xarunta Puntland.

Sida ay wararku nagu soo gaarayana mudooyinkii u dambeeyay ayaa marxuumku waxa uu ku xanuunsanaa magaalada Garoowe, isagoo markii ugu dambeysayna uu u geeriyooday.

Madaxweynaha Puntland ayaa caawa u tacsiyeeyay dhamaan eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay Cali Maxamed Cabdiraxman Cali Hayaanoo Maqribki ku geeriyooday magaalada Garowe.

Dr.Farole samir iyo imaan ayuu Eebe uga baryay inuu ka siiyo intii uu ka tagay dad isgana janadiisi Fardowsa uu ugu abaalgudo.

Masuuliyiin kala duwan iyo Siyaasiyiin caanka ah Puntland oo uu ka mid yahay Mudane Cali Cabdi Awaare ayaa Marxuumka u diray Tacsi isagoona ugu duceeyay in alle Janadii firdowso ka waraabiyo, dadkii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan alle ka siiyo .