Madaxweynaha Maamulka Puntland oo iminka soo gabagabeeyay Khudbadiisa oo uu kaga hadlay Amuuro Farabadan ayaa waxaa uu mahadcelin balaaran u sameeyay Dhamaan ka soo qeybgalayasha shirka gaar ahaan Madaxda DKMG Maamulada Dalka iyo Beesha Caalamka.

Madaxweynaha ayaa docda kale halkaas mahadcelin balaaran uga jeediyay diyaariyaashii goobta shirka iyo Dhamaan cid kasta oo gacan ka geysatay Qabanqaabada Shirka wadatashiga Soomaalida oo manta si rasmi ah looga furay Magaalada Garoowe

Madaxweyne C/raxmaan Faroole ayaa khudbada uu ka jeediyay Goobta shirka waxay ahady khudbad dhinacyo badan taabaneysa oo uu ku soo qaaday dhamaanba Xaalada dalka Soomaaliya iminka iyo ajandaha Shirka manta Furmay.

C/raxmaan Shekh Madaxweynaha Puntland waxaa uu sheegay inuu ka rajeynayo in howsha goobtan loo joogo ay tahay howl qaran islamarkaasina uu rajeynayo in shirkan uu galo taariikhada oo ay ka soo baxdo wax loo aayo oo taabo gal ah

Madaxweyne faroole ayaa u mahadceliyay qaar badan oo ka mid ah dowladaha Deriska sida Yemen,Jabuuti,Ethiopia iyo dowladaha Saacida DKMG ee Uganda iyo Burundi kuwaasi oo ku tilmaamay kuwo ku amaanan kaalinta ay ka qaadanayaan nabad ku soo dabaalida Dalka Soomaaliya

Dr.C/raxmaan Faroole ayaa sidoo kale ka hadlay in Arimaha Puntland intii ay maamulka Joogeen waxa ay qabteen gaar ahaan la dagaalanka Burcad badeeda oo uu sheegay in beesha caalamka iyo reer puntlandba uu ku ahaa nabar xanuun badan waxaa uu xusay inay sameeyeen ciidamo dhinaca badda ah oo la dagaalama burcadaas isaga oo si gaar ah ugu amaanay dadka degan deegaano burcad badeeda can ku ahaa sida ay ula dagaalameen Burcada Soomaalida

Dhinaca kale waxaa goobta ka hadlay Danjiraha QM ee Soomaaliya Augstina Mahiga waxaana uu goobta ka sheegay fariin iyo dhanbaal uu ka sido Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ku aadan in la ilaaliyo ajandaha shirka iyo sidii arin wax ku ool ah ay uga soo bixi lahayd

Khudbadaha oo dhageysi goor dhow SBC