Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayey  safar shaqana ugu maqnaa dalalka Talyaaniga, Isutagga imaaraadka carabka iyo Kenya ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 16-5-2014 dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Madaxweynaha iyo wafdiga la socday ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Garoowe si weyn ugu soo dhoweeyey Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire, masuuliyiin ka tirsan golayaasha Dawladda Puntland, iyo saraakiisha sare ee ciidamada Puntland.

Dadweyne aad u fara badan isugana jiray rag iyo dumar kuna labisanaa calanka Puntland iyo kan Soomaaliya ayaa iyaguna ka qeyb qaatay soo dhaweynta Madaxweynaha iyo wafdiga balaaran ee uu hogaaminayey.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa warbaahinta qeybaheeda kala duwan shir jaraa’id oo uu kaga warbixinayo safarkii shaqo ee uu dalka dibadiisa ugu maqnaa ugu qabtay madaxtooyada Puntland ee Garoowe.

‘’Aad baan ugu faraxsanahay in dalka aan dib ugu soo laabto weliba isaga oo nabad ah wanaagsana, muddo labo asbuuc oo shaqo adag ah ayaan ku maqnayn si fiican ayuu noogu soo dhammaaday safarkayagi ’’Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in safarka uu dalka dibadiisa ugu maqnaa uu salka ku hayey sidii isbadal muuqda loogu samayn lahaa kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarka Puntland oo hada meel wanaagsan maraya.

” Madaxda wadanka Talyaaniga waxaan kawada hadalnay in mashaariicda ay wadanka ka fuliyeen sii laba jibaaraan oo mashaariic kale oo horleh ay ka fuliyaan Puntland insha,allah waan rajaynaynaa in wada hadalkayagu mira dhalo ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Hoos ka dhageyso warbixin:

DAAWO SAWIRRO:

Soo laabashada Madaxweynaha 01 Soo laabashada Madaxweynaha 02 Soo laabashada Madaxweynaha 03 Soo laabashada Madaxweynaha 04 Soo laabashada Madaxweynaha 05 Soo laabashada Madaxweynaha 06 Soo laabashada Madaxweynaha 07 Soo laabashada Madaxweynaha 08 Soo laabashada Madaxweynaha 10 Soo laabashada Madaxweynaha 11 Soo laabashada Madaxweynaha 12 Soo laabashada Madaxweynaha 13 Soo laabashada Madaxweynaha 14 Soo laabashada Madaxweynaha 15 Soo laabashada Madaxweynaha 16 Soo laabashada Madaxweynaha 17 Soo laabashada Madaxweynaha 18 Soo laabashada Madaxweynaha 22 Soo laabashada Madaxweynaha 23 Soo laabashada Madaxweynaha 24 Soo laabashada Madaxweynaha 25 Soo laabashada Madaxweynaha 26 Soo laabashada Madaxweynaha 27 Soo laabashada Madaxweynaha 28 Soo laabashada Madaxweynaha 29 Soo laabashada Madaxweynaha 30 Soo laabashada Madaxweynaha 31 Soo laabashada Madaxweynaha 32 Soo laabashada Madaxweynaha 33 Soo laabashada Madaxweynaha 34 Soo laabashada Madaxweynaha 35 Soo laabashada Madaxweynaha 36 Soo laabashada Madaxweynaha 37 Soo laabashada Madaxweynaha 38 Soo laabashada Madaxweynaha 39 Soo laabashada Madaxweynaha 40 Soo laabashada Madaxweynaha 41 Soo laabashada Madaxweynaha 42 Soo laabashada Madaxweynaha 43 Soo laabashada Madaxweynaha 44 Soo laabashada Madaxweynaha 45 Soo laabashada Madaxweynaha 46 Soo laabashada Madaxweynaha 47 Soo laabashada Madaxweynaha 48 Soo laabashada Madaxweynaha 49 Soo laabashada Madaxweynaha 50 Soo laabashada Madaxweynaha 51 Soo laabashada Madaxweynaha 52 Soo laabashada Madaxweynaha 53 Soo laabashada Madaxweynaha 54 Soo laabashada Madaxweynaha 55 Soo laabashada Madaxweynaha 56 Soo laabashada Madaxweynaha 57 Soo laabashada Madaxweynaha 58 Soo laabashada Madaxweynaha 59 Soo laabashada Madaxweynaha 60 Soo laabashada Madaxweynaha 61 Soo laabashada Madaxweynaha 62 Soo laabashada Madaxweynaha 63 Soo laabashada Madaxweynaha 64 Soo laabashada Madaxweynaha 65 Soo laabashada Madaxweynaha 66 Soo laabashada Madaxweynaha 67 Soo laabashada Madaxweynaha 68 Soo laabashada Madaxweynaha 69 Soo laabashada Madaxweynaha 70 Soo laabashada Madaxweynaha 71 Soo laabashada Madaxweynaha 72 Soo laabashada Madaxweynaha 73 Soo laabashada Madaxweynaha 74 Soo laabashada Madaxweynaha 75 Soo laabashada Madaxweynaha 76 Soo laabashada Madaxweynaha 77