Madaxweynaah Dowlada Puntland Dr C/raxmaan Faroole ayaa kulan uu ku qabtay Gudaha Madaxtooyada Puntland ee Magaalada Garoowe Caawa waxa uu ugaga tacsiyadeeyay dilkii maanta Magaaladaasi loogu geystay Alaha unaxariistee Sheekh C/qaadir Nuur Faarax.
Waxa uu ugaga tacsiyeeyay Dhamaantood Umada Soomaaliyeed Culimada iyo Dadweynaha Reer Puntland iyo eheladii uu ka geeriyoodayba in samir iyo iimaan alle ka siiyo .
Waxa uu hadalkiisa ku abaaray dhinacyo badan Madaxweynuhu isagoo ku eedeeyay dilka loo geystay Sheekha Xarakada Alshabaab.
Faroole ayaa si buuxda ugu dhawaaqay cidii ka dambeysay dilka Sheekh C/qaadir ee ay dawladiisu aamisan tahay, isagoo baaq gaar ah u jeediyey shacabka Puntland, waxaa kale oo uu shaaciyey magaca ninka loo qabtey dilka Sheekh C/qaadir.
Link-ga hoose ka dhageyso Madaxweynaha hadalkiisa.
DHAGEYSO MADAXWEYNAHA CODKIiSA
Daalacatey :2285