Madaxweynaha Puntland iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta dib ug usoolaabtay magaalada Garoowe xarunta dowlada Puntland.

Madaxweyne C/raxmaan Faroole iyo wafdigiisa ayaa waxaa siweyn u soo dhaweeyay xubno sar sare oo uu ka mid ahaa madaxweyne ku xigeenka putland C/samad cali shire iyo qaar ka mid ah labada gole ee baarlamanka.

Madaxweynaha Puntland ayaa soo dhaweyn ka dib kula hadlay saxaafada aqalka madaxtooyada isagoo ka warbixiyay safaradiisii uu dalka kaga maqnaa mudada, waxaana uu sheegay in dhamaantood ay ku soo dhamaadeen guul.

Dhinacyo kale oo ay ka mid yihiin siyaasada Puntland Jubaland iyo Dastuurka dowlada federaalka ayuu ka hadlay madaxweynaha.

Dhageyso Warbixin faah faahsan oo uu Wariye C/naasir Yaasiin ka diyaariyay warkan,RIIX AMA DAAR

Madaxweynaha Puntland ayaa mudo ka badan bil kaga maqnaa safaro dalka, isagoo madaxweynuhu soo maray wadamo badan oo ay ka midyihiin Australia, Imaaraadka iyo weliba Kenya oo uu ku hormaray.

Sawiro
IMG_2379 IMG_2392 IMG_2400 IMG_2412 IMG_2418 IMG_2423 IMG_2435 IMG_2440 IMG_2447 IMG_2455 IMG_2466 IMG_2515

C/naasir Yaasiin
SBC International Garoowe