Madaxweynaha oo soo dhaweeyay Safiiro cusub oo shan ah.

(Talaado Febraayo,26, 2013Muqdisho, Soomaaliya) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Villa Soomaaliya ku qaabilay safiiro cusub oo ay soo magacaabeen 5dal oo ka tirsan Midowga Yurub

Waxaa kulankan ka qeyb-galay Raisul Wasaare Ku Xigeenka Ahna Wasiirka Arimaha Dibadda Marwo Fowziya Yusuf Hagi Adam Wasiirul dowlaha Wasaaradda Arimaha Dibadda Mudane Dr. Maxamed Nuur Gacal iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Kamal Dahir Xassan (Gutaale).

Safiiradda cusub ayaa waxay kala yihiin Ambassador Margit Hellwig-Bötte oo ka socota dalka Jarmalka, H.E. Etienne De Poncins,Fransiiska, Ambassador Javier Herrera García-Canturri Spain,Ambassador.Bart Ouvry Beljinka, Ambdbassador Sofie From-Emmesberger oo ka socoatay Finland.

Madaxweynaha ayaa wuxuu yiri ”Maanta aad ayaan ugu faraxsanahay in aan soo dhaweyno xiriika diblomaasiyeed ee nagala dhaxeeyo shan dal oo cusub.Soomaaliyana si tartiib ah ayey waxey dib ugu soo dhex muuqatay beesha caalamka. Waxaana sabab u ah taageradda ay la garabtaagan yihiin dalal ay ka mid yihiin Fransiiska, Jarmalka,Spain,Beljinka, iyo Findland oo qeyb ka qaadanayo horumarka iyo xalinta dhibaatada ka taagan Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya waxeey diyaar u tahay marwalbo in ay idin soo dhaweeyso.Waxaa naga go’an inaan xoojino xiriirka u dhaxeeyo Soomaaliyo iyo dalalkiina.’“

Ilaa iyo markii uu Madaxweyna Xassan la wareegay Madaxtooyadda ayaa waxaa soo kordhayo dalalka dib u soo celinayo xiriirkii kala dhaxeeyo Soomaaliya .Kadib, markii u Madaxweynaha booqday xarunta Midowga Yurub ee Brussels dhamaadkii bisha Janaayo si u gudbiyo fikirkiisa siyasadeed ee ku saleysan Lixda Tiir Siyaasadeed oo hormuud ay ka yihiin, waxka qabadka amniga,cadaaladda,maareynta dhaqaalaha,horumarka iyo ,dib-u heshiisiinta .

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir:Malik Abdalla Agaasimaha Warfaafinta, Villa Soomaaliya, media@presidency.gov.so

 

Communication Office
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print