Muqdisho, 15 July 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho, kadib markii uu ka soo qeybgaley u Shirkii 3aad ee Caalamiga ee Maalgelinta Horumarinta oo ka dhacay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Shirkan ayaa ajendayaasha ugu weyn ee looga hadley waxaa ka mid ahaa qorsheynta barnaamijyo cusub oo lagu xaqiijinayo horumarka caalamka, sida iskaashiga waddamada, tayeynta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo in waddamada soo koraya loo dejiyo nidaam horumar la taaban karo horseedaya oo la jaanqaadaya hadafyada horumarinta ee Qaramada Midoobay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirkan khudbad ka jeediyay, isagoo soo jeediyay in caalamku uu fiiro gaar ah u yeesho waddamada ka soo kabsanaya colaadaha oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

Waxaa kale oo uu Madaxweynaha khudbad ka jeediyay kulan uu soo qabanqaabiyey urur goboleedka IGAD, oo looga hadlayey muhimadda xawaaladaha iyo doorka ay ka qaadan karaan horumarinta dhaqaalaha dalalka soo koraya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale intii uu Addis Ababa ku sugnaa kulamo kala duwan la yeeshay qaar ka mid ah madaxda caalamka iyo hay’adaha kala duwan ee shirka ka soo qeybgashey.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay, Guddoomiyaha Baarlamanka Federaalka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari , xubno ka tirsan labada gole, taliyeyaasha ciidammada iyo mas’uuliyiin kale.

-DHAMMAAD-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so

IB0A4905
IB0A4892
IB0A4929
IB0A4912
IB0A4914
IB0A4938
IB0A4947
IB0A4958
IB0A4961
IB0A4932
IB0A4934