Iyadoo 26kii Bishaan  Abriil ee 2011ka si rasmi ahan loogu dhawaaqay Mamul Goboleeyd Cusub oo lagu magacabo Maamul Golboleeydka Xamar iyo xaamar-daye State,magaalada Neyrobi ee dalka Kenya ayaa waxaa si isdabajoog ah u soo gaaraaya Madaxweynaha maamulkaasi Md. Jabriil Xaaji Maxamuud Taageero iyo hambalyo loogu bogaadinayo Maamulkaasi cusub ee loo doortay. In uu hogaamiyo.

Maamulkaan oo ay si gaar ah ugu dhawaaqeeyn siyaasiyiinta, ganacsatada, waxgaradka nabadoonada, culumadiinka, haweenka iyo dhalinyarada beesha Wacbuudhan Abgaal aya waxa ay ujeedadiisu aheeyd in beeshasi ay yeelato Maamul u gaar ah deegaankeeda, si uu ugu adeego waxyaabaha lagamamar-maanka u ah jiiritaanka Noloshaadda iyo horumarinta deegaanadoodda. Tan iyo markii lagu dhawaaqay maaulkaasi cusub ayaa waxa soo baxayay shirar iyo kulamo waaweyn oo ay yeelanayeen Dadka ku abtirsadda deegaanadasi Xamar iyo Xamar daye, kuwaasi oo iskugu hambalyeeynayay iskuguna boqadinayay Horumarka ay beeshaasi gaartay oo ah in ay dhisato maamul goboleed iyada u gaar ah, waxayna si gaar ah hambalyo iyo taageero soo garsiinayeen Madaxweynaha maamulkaasi Md. Jabriil Xaaji Maxamuud oo isagu  loo doortay in uu u qabto Hogaanka Mamulkaasi.

Tageeradda iyo hambalyooyinkaasi kuwii ugu dambeeyay waxaa ay inaga soo gaareen Siyaasiyiinta, Columaa-u diinka, waxgaradka haweenka iyo dhalinyaradda ku abtirsadda Beesha Wacbuudhan abgaal, Jaliyadaha ku dhaqan dalka dibadiisa, sida dalka Mareykanka,Gaar ahan magalooyinka Minisotta, Washington DC, Dalka Hindiya Magaladda New Dehli Magaaladda Bon ee cariga Jarmalka Magaladda London, gaar ahan Gudoomiyaha Gudiga Samafalka ee jaaliyadda soomaliyeed ee dalkasi,Magaaladda neyrobi ee Dalka Keenya, Uganadda,Talyaniga, Holand,Norway, Swden Canadda, Saciidiga, Imaaraadka carabta, Masar Yemen,iyo Meelo kale oo badan.

Madaxweynaha Maamul Goboleeydka Xamar iyo xamardaye Md Jabriil Xaaji Maxamuud ayaa isagoo ku sugan magaaladda Neyrobi ee dalkaasi Kenya waxaa uu si weyn uga mahadceliyay Taageradda iyo Hambalyadda iyo bogaadinta sida isdaba jooga ah u soo gaareysa, waxaana uu sheegay in uu aad iyo aad ugu faraxsan yahay isagoo xusay in uu si daacadnimo ah u gudan doono Hogaankaasi loo doortay inta awoodiisa, waxaana uu ka codsaday dadka ay si gaar ah u khuseeyo maamulkaasi in ay gacan ka geestan sidii loogaga miro dhalin lahaa hawlaha maamulkaasi xamar iyo xamardaye state.

Ku dhawaaqista Maamul Goboleeydka Xamar iyo Xamardaye state ayaa loogaga dhawaaqay Kulankan ka dhacay Hotelka Gulf Palace (Shariifka) ee xaafada Islii ee magaladda Neyrobi, kaas oo ay ka soo qeyb galeen siyaasiyiinta, ganacsatada, waxgaradka, nabadoonada, culumadiinka, haweenka iyo dhalinyarada ee beesha Wacbuudhan Abgaal.

Falanqeyn badan kadib waxaa halkaasi lagu magacaabay maamul goboleedka “Xamar iyo Xamardaye State” isla markaana loogu doortay madaxweyne goboleedka Jibriil Xaaji Maxamuud oo ahaa kuna guuleestay 100% cod gacantaag ah.

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:0025261-5573321
00252699995088