Madaxweynaha Liibiya Korneel Mucamar Al qadaafi ayaa ku dhaliilay Isbahaysiga Nato iyo weliba dowladaha Yurub duqaynada iyo weliba dagaalada ay kula jiraan dowladiisa,waxaana uu sheegay taa badalkeeda in uu qaadayo weerar ay kaga aargoostaan.

Korneel Qadaafi waxaa uu sheegay Liibiya in ay abaari doonto Guryaha xafiisyada iyo weliba qoysaska reer Yurub hadii aanay Nato joojin duqaynada ay ka gaysanayaan dalkiisa.

Madaxweynaha Liibiya ayaa hadalkan jeediyay xili uu si toos ah cod baahiya ugala hadlayay Kumanaan taageerayaashiisa oo isugu soo xoomay deegaanka Green Square ee Triboli,iyadoona warbaaihnta laga sii daynayay.

“Awood ayaanu u leenahay in aanu galno yurub,waanu idin burburin karnaa,inta aanan lama deegaan Idinka dhigin Joojiya duqaymaaha aad wadaan”waxaa hadalkaasi jeediyay isaga oo ay caro ka muuqto Madaxweynaha Liibiya Korneel Mucamar Al qadaafi.

Fariinta uu diray Korneel Qadaafi ayaa kusoo aadaysa Xili Dowlada Faransiisku ay qiratay In ay hub u daabushay Kooxaha Mucaaradka ee kasoo horjeeda Nidaamka Korneel Qadaafi ee Mudada 42 sano ah ka talinayay dalkaasi.

Maxkamada dambiyada Dagaalka ee ICC waxaa ay baadi goob ugu jirtaa in gacanta lagu soo dhigo Rag uu kamid yahay Korneel Qadaafi,lamana Oga qaabka ay hanjabaadiisan cusub wax uga badali karto go aankii ay reer galbeedku horay u qaateen.

Xuseen Xuska
SBC International Monitoring.