Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa booqday xerada tababarka Ciidamada Darawishta Jubbaland ee degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Xeradan oo ay ku xaraysan yihiin Ciidamo Cusub oo tababar uu u socdo waxaa booqashada Madaxweynaha ku wehelinayay Wasiirka Amniga Mudane Cabdirashiid Janan Wasiirka Arimaha gudaha Maxamed Warsame Darwiish Gudoomiyaha Gobolka iyo Afayaheenka Jubbaland Mudane Cabdinaasir seeraar Maax.

Wasiirka Amniga ayaa sheegay in xeradan ay muhiim u tahay Jubbaland isla markana Ciidamadan tababarka mudo dhaw gudahood looso gaba gabayn doono.

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in wax walba oo Ciidamadan ka dhiman loo dhamasytiri doono isla markana Ciidamo Cusub ay Dowladu qorayso kuwaas oo tababarka ka qayb qaadan doona.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in Ciidamadan ay ka qayb qaadanayaan hawlgalo la isugu fuaryo Magaalooyinka xorta ah ee Jubbaland.

Ciidamada ayuu Madaxweynahu ku booriyay in ay si wanaagsan u qaatan tababarka isla markana ay u diyaar garoobaan sidii ay dalkooda u xorayn lahayeen.

SAWIRRO :